Boliiska Talyaaniga Oo Loo Xil saaray Baarista Muranka Maamulka Safaarada Somalia

Somalia news

Magaalada Rome ee Dalka Italy waxaa muddo dheer ka taagneyd muran daba dheeraaday oo u dhaxeeya Ergada Safaarada Somalia ee ku sugan Caasimada Dalkaasi, iyadoo uu xaalku hadda gaaray iney soo fara geliyaan Xafiiska Xeer ilaalinta Talyaaniga…

Howlwadeenada Talyaaniga ayaa doonaaya iney fahmaan xudunta khilaaf ragaadiyay Socoshada howlaha Xafiiska oo saameyn weyn ku yeeshay u adeegida Shacbiga ay ku metelaan Dalkaasi, Khilaafka ayaan ku ekeyn Safaarada ee xitaa wuxuu gaaray Xafiiska Qunsuliyada Soomaaliyeed.

Is-qabaqabsigaan ayaa ka soo bilaawday kadib markii Wasaarada Arrimaha Dibeda u magacaawday Axmed Cabdiraxman Sheekh Nuur (Oo Farmaajo adeer u yahay) inuu sii-haye Safaarada ka noqdo, iyadoo Maamulka Fashilmay ee Farmaajo uusan shaacin halka uu Danjiraha (Cabdiraxman Sheekh Ciise) ku dambeyn doono waxaana la sheegay inuu soo galo xarunta Wasaarada la-tashi ahaan.

Murankaan ayaa ku soo beegmay iyadoo uu dalka ku jiro xilli kala guur ah isla markaasna uu Farmaajo soo saaray Wareegto fareysa Wasaaradaha in aan la sameyn karin Magacaabis, Dalacaado iyo kala bedel inta, iyadoo Mas’uuliyiinta Talyaaniga ay sheegeen in Mr.Axmed uu xili habeen ah u dhacay Safaarada isla markaasna furayaashii Dhismaha Safaarada bedelay.

186420cookie-checkBoliiska Talyaaniga Oo Loo Xil saaray Baarista Muranka Maamulka Safaarada Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com