Share the post "Qarax Miino oo ka dhacay Degaan ka Tirsan Gobolka Bari Oo Sababay Dhimashada…"
Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Miino oo ka dhacay Degaan ka Tirsan Gobolka Bari Oo Sababay Dhimashada iyo Dhaawacyo tiro Xubno ka tirsan Xoogaga Amaanka Maamulka Puntland oo xiliyadaan Howlgalo ka wada Buuraha Calmiskaad…
Wararka hordhac ah ayaa sheegaya in Ugu yaraan 13-Askari oo ka tirsan Xoogaga Hubeysan ee Maamulka Puntland ayaa ku dhintay in ka badan 7-Kalena way ku dhaawacmeen qarax miino oo ka dhacay Tuulada Tasjiic ee Degaanka Ofweyn ee Gobolka Bari, Qaraxa ayaa haleelay Gaari Ciidankaan ay la socdeen kuwaasoo ku guda jiray howlgal ka dhan ah kooxda Argagixisada Daacish ee ku sugan Gobolkaasi.
Weerarkaan ayaa waxaa geystay kooxda Argagixisada Daacishta Somalia, iyagoo u adeegsaday miino wadada dhinaceeda ku aasay, si ay ula beegsadaan Kolonyada ay Askartaan khasaaraha gaaray ka mid ahaayeen, iyadoo Qaar ka mid ah Askarta kale ee dhaawacmay ay u dhinteen dhaawacyadooda,taasoo sababtau iney sare u kacdo tirada dhimashada, waana markii 2-aad ee weerar khasaare Nafeed ay geystaan kooxdaan Argagixisada ah, iyadoo weerarkii hore uu ka dhacay Degaanka Dharjaale ee Degmada Iskudhuban.