Share the post "Qatar Oo Martigelisay Kulan 3-Geesood ah oo Looga Hadlaayo Xiisada Bariga DR Congo.."
Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Dadaal lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda colaadeed ee ka taagan Bariga (DRC), iyadoo Dowladda Qatar ayaa shir 3-geesood ah ku qabatay magaalada Doha March 18, 2025, Wadahadallada heerka sare ah waxaa goobjoog ka ahaa Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, Amiirka Dowladda Qatar; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame; iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo Félix Tshisekedi Tshilombo..
Sida lagu sheegay war-murtiyeedka wadajirka ah ee kulanka kadib, Hogaamiyayaashu waxay soo dhaweeyeen horumarka laga sameeyay geeddi-socodka Luanda iyo Nairobi, iyo sidoo kale shir-madaxeedka EAC iyo SADC ee lagu qabtay magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania, February 8, 2025, Waxay mar kale xaqiijiyeen inay ka go’an tahay xabbad-joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah, sidii hore loogu heshiiyey intii shirku socday. Intaa waxaa dheer, Hogaamiyeyaashu waxay ku heshiiyeen inay lama huraan tahay sii socoshada wada-hadallada Doha si loo aasaaso nabad waarta, lana waafajiyo geeddi-socodka Luanda iyo Nairobi.
Iyadoo la aqoonsanayo doorka Amiirka Qatar, Madaxweyne Kagame iyo Madaxweyne Tshisekedi waxay u mahadceliyeen Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Dowladda Qatar martigelinta iyo dadaalka ay ku bixiyeen abaabulka waxa ay ku tilmaameen “kulan miro dhal ah.” Bayaanka ayaa lagu nuux-nuuxsaday in isu imaatinku uu gacan ka geystay xoojinta kalsoonida ku aaddan go’aannada la wadaago ee nabadda iyo xasilloonida DRC iyo guud ahaan Gobolka.