Erhiopia Oo lagu Eedeeyay iney Faragelin Siyaasadeed ku Heyso Arrimaha Gudaha Somalia

Africa News Somalia news

Kadib markii uu soo shaac baxay Khilaafka muga leh ee u dhaxeeya Madaxweynaha Somalia & Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Salkana ku heysa xiriirka Egypt iyo Somalia, weyna ku adag tahay Madaxweynaha inuu si gooni gooni ah u wada qanciyo Labada Dal…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidahan Diinah.com news u xaqiijiyay in Siyaasadda Maamulka Addis abeba ay tooska ula xiriirayso Maamul Federaaleedyada Soomaaliyeed qaarkood oo soohdin la leeyihiin ayaa ah faragelin qaawan ee siyaasada Arrimaha gudaha Dalka, waxeyna Ethiopia culeysyo ku saartay Gobolada Konfur galbeed & Puntland iney heshiis Amni la saxiixdaan, talabadaan oo baal marsan Qawaaniinta Caalamiga ah & deris wanaaga.

Ku darsoo, Waxaa xaaladda sii murjiyay codsiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku biiritaanka Isbaheysiga ku bahoobay isdhexgalk, Ganacsiga iyo Dhaqaale ee Geeska Afrika, taasoo sii fogeysay xiriirka dowladda Federaalka iyo Dowladda Ethiopia inuu hoos u dhaco.

Mr.Abiy oo ka faa’iideysanaaya ku tirsanaanta Dowladda Federaalka ee Ciidamada Ethiopia ayaa Todobaadkaan oo ka hadlay Baarlamaanka Dalkiisa ayaa Madaxweynaha Somalia ku eedeeyay inuu faragelin ku hayo arrimaha gudaha Ethiopia, isagoo sheegay inuu taageeray eedeynta Dalka Masar ee Biyoxireenka Ethiopia iyo si hoose xiriir ula yeeshay Jabhada TPLF ee Waqooyiga Dalka.

209840cookie-checkErhiopia Oo lagu Eedeeyay iney Faragelin Siyaasadeed ku Heyso Arrimaha Gudaha Somalia