TV-ga Dowladda Oo Baahiyay Muqaalo ay Duubeen Kaamirooyinka Amniga CCTV-ga…

Somalia news

Warbixin muuqaal ah oo uu Telefishinka SNTV soo daayay ayaa waxaa lagu soo bandhigay caddeymo ay duubeen kaamirooyinka amniga, kuwaasoo si dhameystiran looga arkayo qaabkii ay Unugyada Argagixisada u fuliyeen qaraxyo ka dhacay Suuqa Bakaaraha oo goobo ganacsi lagu beegsaday…

Dhowr qof oo ka mida dhagar-qabayaasha qaraxyada fuliyay iyo kuwii caawinayay ayaa muuqaallada laga arkayaa dhaqdhaqaaqooda ka hor inta aysan qaraxyada fulin iyo kadiba, Waxaana ay taasi fududeysay in wax badan laga ogaado falalka ay fuliyeen kooxdaas oo ka koobneyd lix Dabley, Waxaa kale oo iyagana xogtooda iyo muuqaalladooda la helay koox Argagaxisada ka mida oo suuqa Bakaaraha ku daadinayay waraaqado ganacasatada looga digayo inay kaamirooyin isticmaalaan.

Arrinta xiisaha leh ayaa waxay tahay in aragtida ku saabsan isticmaalka kaamirooyinka ay billowgii hore la kulantay dhaleeceyn iyo tuhun ay faafinayeen Argagaxisada iyo dad sabab aan la aqoon u caawinayay, kuwaasoo ka midaysnaa inay diidayeen hirgelinta kaamirooyin amniga lagula socda, taas oo markii lagu adkeystay hadda la wada arkay mirihii laga dhaxlay.

Faa’iidooyinka kaamirooyinka ay sahleen in muddooyinkan falalka dhafay in ka-daba-tagooda la helayay, gaar ahaan fal dambiyeedkii dhacay bishii 21-kii Febraayo 2024 oo Xubno ka tirsan Ciidanka Boliiska inta afduubteen ay dileen AUN Abukar Kaabax oo raadkii dilkiisa waxyaabaha lagu helay ay ka mid aheyd kaamiirooyinka Amniga.

316450cookie-checkTV-ga Dowladda Oo Baahiyay Muqaalo ay Duubeen Kaamirooyinka Amniga CCTV-ga…