USA oo Qaarada Africa ugu Yaboohday Dhaqaale Dhan $-55 Bilyan

Africa News

Wararka naga soo gaaraya dalka Mareykanka ayaa sheegaya in Dalkaasi ay soo gaareen Hoggaamiyayaasha ka qaybgelaya shir madaxeedka Maraykanka iyo dalalka Afrika oo furmaya Talaadada maanta ah, iyadoo looga hadli doono arrimo badan oo ay ka mid tahay xiriirka Iskaashiga, Amniga iyo kuwo kale..

Shirkaan waxa la filayaa inay ka qaybgalaan wufuud gaaraysa ilaa 50 oo kala metelaya Dalalka Afrika iyo ururka Midowga Afrika, Somalia waxa uga qayb-galaya wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay gaaray dalka Maraykanka.

Maamulka Washington ayaa shaaciyay inuu ugu yaboohaayo Qaarada Afrika dhaqaale gaaraysa illaa $-55 bilyan, saddexda sano ee soo socota, Go’aankan ayaa ku soo beegnay xilli uu Madaxweyne Joe Biden uu isu diyaarinayo shirka Maraykanka iyo Afrika ee uu dalkiisu martigelinayo.

230740cookie-checkUSA oo Qaarada Africa ugu Yaboohday Dhaqaale Dhan $-55 Bilyan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com