Qaxootiga Ethiopianka Oo ku soo Qulqulaaya Degaanada Waqooyiga Dalka…

Security Somalia news

Warbixino wel wel xambaarsan ayaa daaha ka rogaaya in sanadihii ugu dambeeyay qul qulja qorsheysan ee Qaxootiga Omorada Ethiopia ay u kordheen, waxeyna inta badan Qaxootigaan soo galeen Degaanada Maamulada Waqooyiga Dalka iyo Puntland, kuwaasoo dhibaato xoogan oo xagga Amaanka iyo Degaanada ku haya…

Wararka ayaa sheegay in 30-Kun oo Qaxooyiga Oromada ay si sharci darro ah ku soo galeen Degaanada Puntland 10-kii bilood ee u dambeeyay, iyadoo walaac xoogan laga muujiyay qulqulka Dadkaan soo galootiga ah ee Ethiopianka ah, waxaana horey ugu noolaa in ka badan 20-Kun, kuwaasoo dhibaato ku haya Dadka iyo Degaanka.

Ayaan darrada jirta ayaa ah in Maamulka Puntland uu Hey’adaha Samafalka ka codsadeen iney taageero degdeg ah u fidiyaan Puntland si wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadanimo ee ka dhashay tirada sii kordhaysa ee qaxootiga iyo barakacayaasha ku sugan Degaanada Puntland.

350050cookie-checkQaxootiga Ethiopianka Oo ku soo Qulqulaaya Degaanada Waqooyiga Dalka…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com