Xujeyda Oo Sanadan Lacag La’aan Ku Qaadanayo Master Card-Ka Premier Bank. 

Somalia news

Premier Bank wuxuu fursad u siinayaa dhammaan Dadka Soomaaliyeed ee Sanadkaan gudanaya waajibka Xajka inay si lacag-la’aan ah ku helaan Mastercard-ka Premier Bank, Wuxuu sidoo kale bankigu muddo 30 maalmood ah ka dhaafayaa xujeyda khidmadda wax ku iibsiga iyo lacag la bixidda Mastercard-ka…

Xujaajta isu diiwaangeliyey tegitaanka xajku si fudud ayaa ay Mastercard ka Premier Bank ku heli karaan, iyagoo waraaqahooda diiwaangelinta xajka la tagaya xarumaha iyo laamaha uu Premier Bank dalka ku leeyahay, laga bilaabo shalay 23 da Juun 2022.

Maamulka Bangiga ayaa fududaynasyo culayska iyo welwelka ay lacag bixintu leedahay iyo daalka raadinta xarumaha xawilaadda lacagaha, Premier Bank Mastercard waxa uu u ogolaanayaa in ay lacagtooda si fudud oo dhaqso badan u helaan, iyo in ay kala baxaan mishiinka ATM ka iyada oo aan wax khidmad ah laga jarin.

196920cookie-checkXujeyda Oo Sanadan Lacag La’aan Ku Qaadanayo Master Card-Ka Premier Bank. 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com