Qeylo Dhaan Ka Soo Yeertay Jaaliyadaha Soomaalida Ee Khaliijka

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa laga helaaya, Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku Nool inta badan dalalka Khaliijka iyo Egypt, iney soo food saartay Cabsi la xiriirta Siyaasada qalafsan ee Maamulka Fashilmay ee Farmaajo kuna Aadan xiisadaha u dhaxeeya Dalalka Masar iyo Ethiopia ee Biya-xireenka laga dhisaayo Dalka Ethiopia…

Wararka hordhaca ee la soo gaarsiiyay Diinah.com news ayaa tilmaamaya in Dalalka Sacuudiga, UAE, Baxreyn, Kuweyt iyo Egypt ay bilaabeen olole balaaran oo lagu bartilmaameedsanaayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalalkaasi, kuwaasoo qaarkood lagula kacay Jirdilo, hanjabaado iyo lagala noqday sharciyadii ay dalalkaasi ku joogeen.

Madmadow, xiisad iyo isku dhac suurtagal ah ayaa ku hareereysan mustaqbalka xiriirka Masar iyo Somalia sabab la xiriirta Maamulka Farmaajo oo meel aan caddeyn ka istaagtay muranka biyo-xireenka Ethiopia iyo colaadda ka dhaxaysa Ethiopia, Masar iyo Sudan.

Muwaadiniinta ay dhacdooyinkaan saameynta ku yeesheen ayaa la sheegay iney qaarkood yihiin Ganacsato, Arday, Shaqaale iyo kuwo degan dalalkaasi, waxaana la sheegay iney soo food saartay cabsi la xiriirta ineysan amaan iyo nabad ku noolaan karin gudaha dalalkaasi, kadib markii Maamulka Farmaajo uu la saftay Ethiopia xiisada kala dhaxeysa Masar iyo Suudaan.

Dalalkaasi ayaa ku ciqaabaaya Muwaadiniinta Soomaalida Siyaasada qalafsan ee Maamulka Villa Somalia Oo la safatay Ethiopia, qarar lagu cambaareynaayay, kaasoo Jaamacada Carabta ay dood ka yeesheen, iyadoo aysan jirin Cid ka hadashay Dhibaatada lagu hayo Muwaadiniinta Soomaalida Ha ahaadaan Xisbiyada Mucaaradka iyo Maamulada Gobolada.

Sidoo kale, Talaabooyinka aargoosiga ee Dalka Masar ku dhaqaaqay waxay ka careysiiyeen Shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaan markii ergo ka tirsan ay wasaaradeeda arrimaha dibadda booqdeen Somaliland iyo Puntland, islamarkaana ergo maamuladaas ka socota ku marti gelisay Qaahira, iyadoon wax xiriir kala sameyn Somalia.

48230cookie-checkQeylo Dhaan Ka Soo Yeertay Jaaliyadaha Soomaalida Ee Khaliijka