Howlgal Lagu Khaarijiyay Horjoogayaal Ka Tirsan Shababka

Somalia news

War ka soo baxay Hogaanka Ciidamada Ururka Danab Ee ka howlgala Degaanada hoos taga Gobolka Shabeelada hoose ayaa lagu shaaciyay in lagu khaarijiyay tiro Horjogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda argagixisada Shababka….

Howlgalkaan ayaa ka dhacay Tuulada Sahan-yareey ee duleedka Degaanka Leego oo ka tirsan Degmada Wanle weyn, waxaa lagu dilay Horjooge Cabdicasiis Awoowe oo Kooxda u qaabilsanaa Xog uruurinta iyo Sirdoonka iyo Madaxii Qaraxyada ee Gobolka kaasoo lagu magacaabi jiray Abuu Qadaab iyo 6-Ilaalo hubeysan oo Kooxda Shababka ka tirsan.

Waxaa lagu burburiyay Howlgalkaasi goob Maxkamad u aheyd oo dadka lagu ciqaabi jiray, Ciidamada Ururka Danab iyo kuwa Mareykanka ayaa kordhiyay howlgalada lagu baacsanaayo Maleeshiyaadka Kooxda Shababka Ee Aad ugu howlgala Gobolada Shabeelada hoose iyo Dhexe.

63790cookie-checkHowlgal Lagu Khaarijiyay Horjoogayaal Ka Tirsan Shababka