Waxaa qeylo dhaan iyo cabasho laga keenay, in si ka baxsan Xeerarka Nidaamka Dowladeed lagu bixiyay Qandaraaka Maqaayad laga dhex furayo Xarunta Theater-ka oo 1-da Luuliyo lagu wado in Dib Loo furo…
Macluumaad hordhaca ah ayaa in Tiro Ganacsato Soomaaliyeed oo dhowr ah doonaya inay u tartamaan qandaraaskaas, hase yeeshee waxay ka cabanayaan Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye (Hub-qaad) oo ay sheegeen inuu si Sharciga ka baxsan ula heshiiyay Ganacsato uu ka hormarsaday Dhaqaale.
Wasiir Hub-qaad, ayaa qanadaraaskaasi siiyey Xildhibaan iyo Shaqsi kale oo Ganacsato ah, oo ay isku dhow yihiin iyadoo oo aan tartan la gelin, Talaabadaan ay qalad ku tilmaameen.
Mr.Maareeye iyo xubnaha Qandaraaska la siiyey ayaa lagu warramay inuu ka dhaxeeyo heshiis hoose oo Dhaqaale kasta oo laga faa’iido maqaayadda lagu qeybsanayo.
“Maadaama Theater-ka uu yahay xarun Madadaalo, waxay ahayd in qandaraaska si shaacsan bulshada loogu soo bandhigo, looguna tartamo,” waxaa sidaas yiri qaar ka mid ah ganacsatada.