Ma Dhabaa In Dib Loo Dhigay Fasaxida Duulimaadyada

Somalia news

Waxaa dib u dhac ku yimid qorshe maalmo ka hor la shaaciyey oo maanta oo taariikhdu tahay 3-da Juun lagu furi lahaa duulimaadyada garoonka Aadan cadde iyo gobolada dalka oo bilo ka hor loo joojiyey sababo la xiriira cudurka COVID-19…

Kulamo isdaba-joog ahaa oo ay yeesheen Guddiga Shirkadaha Diyaaradaha Soomaliyeed iyo Wasaaradada Gaadiidka iyo Cirka Dhulka dowlada Soomaaliya, Wasaarada Caafimaadka, Wasaarada Ganacsiga, Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed, Maamulka garoonka, Shirkadda Favori, Hey’adda Socdaalka iyo Hey’adda Amaanka Garoonka ayaa isku raacay in maalinta Isniinta ee 8-da Bishaan Juun la furo Garoonka.

waxaa jira warar sheegaya iney jiraan arrimo farsamo iyo khilaafaadyo u dhexeeya shirkadaha dayuuradaha qaarkood oo keenay in qorshahan uu ilaa amar dambe la joojiyo.

39420cookie-checkMa Dhabaa In Dib Loo Dhigay Fasaxida Duulimaadyada