Qeylo Dhaan Laga Soo Saaray Qorshe Cusub Oo Doorashada Somaliland la Xiriira..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Maamulka Muuse Biixi ayaa ku dhawaaqay qorshe guracan uu mar kale khilaaf ku gelinayo doorashooyinka mudaysan ee dabayaqaada sanadkan 2024 loo balansan yahay, iyadoo digniino laga soo saaray Qorshahaan hirgelintooda..

Wararka ayaa sheegaya in Muuse Biixi oo khudbadiisa ku soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka xisbiyada iyo ururrada siyaasadda oo la filaayo iney degaanadaasi ka qabsoonto 13-November ee sanadkan 2024-ka, isagoo sidoo kale ka hadlay qodobo la sheegay inay caqabad ku noqon karaan doorashooyinka, taasoo la xiriirta nidaamka hubinta codbixiyeyaasha ee sawirka indhaha ee lagu gelayo doorashooyinka xisbiyadda iyo ururrada siyaasadda.

Wuxuu sheegay in nidaamka sawirka Indhaha uu ku qoran yahay sharciga dastuurka Somaliland, isla-markaana aan laga noqon karin, Sidoo kale, wuxuu sheegay in si sharci ah loo qaban doono doorashooyinka dalka ka qabsoomaya 13 bisha November ee sanadkan, wuxuuna ugu baaqay Xisbiyada Mucaaradka iney u hogaansamaan Xeerarka cusub.

333410cookie-checkQeylo Dhaan Laga Soo Saaray Qorshe Cusub Oo Doorashada Somaliland la Xiriira..