Ma Dhabaa in Khilaaf soo kala dhex galay Xisbiga Madaxweynaha iyo kan Daljir

Somalia news

Xog loo qaateen ah ayaa tibaaxeysa in Tareenka mideynaayay Xisbiga Madaxweynaha UDP, Kan Daljir & kuwo qaraabo la ah Xasan Sheekh, uu muddo bilo ah mugdi iyo kala shaki soo kala dhex galay kadib markii shaqsiyaad aan ku habooneen Hogaaminta ay bilaabeen iney Xilalka Dowladda ku abaal mariyaan qaraabadooda isla markaasna Fashil u horseeday Siyaasada Madaxweynaha..

Xogtaan ayaa sheegtay in kooxahaan xiligaan xilka haya ayaa shaqadii Qaranka u bedelay NGO lagu qaraabto, iyagoo boob aan loo meel dayin wada Wasaaradaha iyo Hey’adaha Dowladda, taasoo laga yaabo iney soo dedejin karta Kacdoon ka dhan ah Maamulka Villa Somalia oo lagu eedeeyay inuu ku fiirsanaayo kooxahaan damaca ka tan badiye.

Dhanka kale Madaxweynaha Qaraabadiisa ayaa lagu eedeeyay iney Keenaadeen Diyaarada Flydubai isla markaasna hor istaagay in Magacaabista Danjiraha Somalia ee Kenya oo lagu waday in loo xusho Jibriil Ibraahim Cabdulle, talabadaasi oo horseeday iney ku kacaan dhowr Qabiil oo Daarood iyo Hawiye ah, Waxaana ku soo biiray xubno ka soo jeeda Digil iyo Mirifle kuwaasoo quus sii gelinaya wax qabadka Maamulka Xasan Sheekh.

Ku darsoo waxaa sii xumaanaya xiriirka Madaxweynaha iyo qaar kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyada, sidoo kale waxaa gaabis uu soo galay howlgalkii ka dhanka ahaa kooxda Argagixisada iyadoo amnigii caasimadana uu faraha ka baxay, kadib markii lagu eedeeyay Duqa Magaalada wax qabasho la’aan & inuu Kooxo wax khaarjiya uu magaalada ku soo daaya kharashna ku siiyay iney dilaan 48-saac gudahood 15-Qof.

244730cookie-checkMa Dhabaa in Khilaaf soo kala dhex galay Xisbiga Madaxweynaha iyo kan Daljir