Ciidamo Gadoodsan Oo la wareegay Kontoroolka Koonfurta Gaalkacyo

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Ciidan gadoodsan oo ka tirsan Daraawiishta Galmudug ayaa saqdii dhexe ee xalay la wareegay kontoroolka laga soo galo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, Ciidamadaan ay ka yimaadeen xerada tababarka ee Indha-qaris, oo qiyaastii 40km u jirta Magaalada..

Wararka ayaa intaasi raaciyay in Ciidamadu ka careysan yihiin tallaabada uu xilka isaga casilay Wasiirkii Amniga Galmudug, Mr.Fiqi ayaana is casilaadiisa ku sababeeyay, ka dib markii Madaxweynaha Galmudug ay isku fahmi waayeen in wada hadal lagu xaliyo xiisadda maamulka kala dhaxeysa Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in Ciidamada Daraawiishta ay si nabadgelyo leh kula wareegeen Kontoroolka Koonfureed ee Gaalkacyo, wadadana ay xireen, iyagoona u diidaya inay adeegsadaan gaadiidka.

144010cookie-checkCiidamo Gadoodsan Oo la wareegay Kontoroolka Koonfurta Gaalkacyo