Weerar Ismiidaamin oo lagu qaaday Hotel Mogadishu Ku Yaal

Somalia news

Weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah ayaa goordhaw lagu qaaday Hotelka Afrik ee kuyaala agagaarka Isgooska KM ee magaalada Muqdisho, Wararka ayaa Sheegaya rasaas xoogan ay ka socoto Hoosto gaadiid oo hotelka ku dhegan…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya qaraxa kadib ayaa Dabley Hubeysan oo katirsan a Maleeshiyaadka Kooxda Shababka waxa ay gudaha u galeen gudaha hotelka halkaas ay ka dagaalamayaan.

Goobjooge ku sugan agagaarka Hotelka la weeraray ayaa noo sheegay in ay maqlayaan rasaas iyo bambaanooyin ka dhacaya gudaha Hotelka Afrik ee Weerarka lagu qaaday.

91070cookie-checkWeerar Ismiidaamin oo lagu qaaday Hotel Mogadishu Ku Yaal