Qodobada Xudunta U Ah Khilaafka Doorashada

Somalia news

Kadib markii uu dhacay Weerarkii Hoteelka Maa’ida iyo Rasaaseyntii Banaanbaxayaasha ayaa waxaa soo shaac baxaaya qodobada xudunta u ah Khilaafka Doorashada, kuwaasoo ay ugu horeyso Xiisada Gedo, Guddiyada Doorashada iyo Shakiga ku geedaaman in Mr.Farmaajo inuusan diyaar u aheyn inuu Doorasho dadban Dalka ka qabto…

Wararka ayaa sheegaya in Khilaafka oo xalintiisa ay daba dheeraatay, ayaa la sheegay iney sabab u yihiin Karti La’aanta Wakiilada Beesha Caalamka Iyo Danjirayaasha daneeya Arrimaha Somalia, kooxahaan ayaa inta badan wakhtigooda ku lumiya safarada ay ku tagaan gobolada Dalka.

Wafdi uu Hormuud u yahay Wakiilada UN-ka Ee Somalia Mr.Jemes Swan ayaa shalay Gelin Hore la kulmay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, isla shalay galab dhicii wuxuu ka degtay Magaalada Garoowe, isagoo lagu wado inuu Maanta Kulan la yeelan doono Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland, kadibna wuxuu ka degi doonaa Magaalada Kismaayo.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa aaminsan in Arrinta ay ka gudubtay heshiis Doorasho Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday la la galo, balse falkii 19-ka February Dhacay kadib ay qasab tahay in la helo damaanad Qaadka Beesha Caalamka Iyo in Fulinta Heshiis Doorasho ay Wakiiladu ay gacan ku yeeshaan.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dooneysa in wakhti kale aan la lumin oo la guda galo heshiiskii ay wada gaareen Guddiyada Farsamada Ee ku heshiiyay Magaalada Baydhabo, isla markaasna muddo 60-maalmood ah gudahood lagu qabto doorsho, taasoo xiligaan dhego u nugul baaqyadaasi aysan jirin dhincyada Soomaalida.

Galinka dambe Ee Maanta ayaa lagu wadaa in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay Kulan ka yeeshaan Khilaafka Doorashada Ee Somalia, waxeyna Warbixin ka dhageysan doonaan Wakiilka UN-ka Mr.James Swan.

96940cookie-checkQodobada Xudunta U Ah Khilaafka Doorashada