Dilkii Ka Dhacay Magaalada Qaahir & Saameynta Safaarada Soomaalida

Africa News Somalia news

Hey’ada Baarista Dembiyada dalka Egypt ayaa baaris ku haya muddo dhimashada Marxuumad Caasha Abuubakar Ibraahim oo lagu dhex dilay Gurigii ay ka degneyd magaalada Qaahira, iyadoo Eedeysanaha (Tuhmanaha) kiiskaan lagu sheegay Eedeysane Maxamed Cabaas oo Soomaali ah…

Kiiskaan ayaa Ehelada Marxuumada sheegeen iney Baarayaasha la wadagaayaan macluumaadka ay ka hayaan waxa guriga ka dhacay, iyadoo sidoo kale Tiro Dadka deriska la ahaa Marxuumada ay sheegeen iney maqleen qeylo badan hase yeeshee wax yar kadib ay aamuseen, waxeyna u maleynayaan in Lamaanaha ay dood dhexdooda ah isku heystaan.

Qoyska Marxuumada ayaa sidoo kale sheegay in “Wararja la xiriira inuu jiro xiriir hore uga dhaxeeyay waa kuwo ka fog xaqiiqda”, ku darsoo waxaa xaalada sii fogeeyay in warar asn ka xaqiijin ay sheegeen in Baarayaasha Boliiska ay Damaanad ku sii daayeen Eedeysanaha taasoo ay bixiyeen Saraakiisha Safaarada Soomaalida ee Qaahira, inkastoo aan xaqiiq loo heynin.

Ma jiro War ka soo baxay Eedeysanaha marka laga reebo Asxaabtiisa Baraha bulshada ka difaaceysa, iyadoo Wararka ay ka cabanayaan Ehelada Marxuumada oo ah iney Saraakiil ka tirsan Safaarada ay damaanad ku soo daayeen Eedeysanaha, waxaa looga fadhiyaa Boliiska iyo Laamaha Garsoorka Masar iney daaha ka qaadaan sababta, Eedetaanaha iyo sidii uu dilka u dhacey.

244010cookie-checkDilkii Ka Dhacay Magaalada Qaahir & Saameynta Safaarada Soomaalida