Wakiilada Beesha Caalamka Oo Soo Saaray Bayaan

Somalia news

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa shalay soo saaray qoraal wadajir ah oo ay uga digaayaan Madaxada Soomaalida iney ka faa’iideysanaaya Kulan loo madlan yahay maalinta Sabtida inuu ka qabsoomo Magaalada Mogadishu, iyagoo war ka soo saaray Xaalada Somalia oo xiligaan Siyaasad ahaan aan xasiloonyn..

Bayaanka ayaa lagu xusay iney ka qoomameeyeen, go’aanka Uu Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ku diiday Ergeyga AU-da Ee Somalia loo soo magacaabay, waxeyna si cad u sheegeen iney uga digayaan “ isku day kasta oo lagu carqaladeynaayo geedi socodkaan iyo in heshiis guud la gaaro”.

Waxey Qoraalkooda ku xuseen in Wada hadalada ah fursad muhiim ah u tahay qabashada Doorashada kuna saleysan Heshiiskii 17-kii September iyo ka qeyb galka dhamaan Saamileyda Siyaasada iyo Bulshada Rayidka, iyagoo si cad u sheegay ineysan taageeri doonin Doorasho hal dhinac ah.

120040cookie-checkWakiilada Beesha Caalamka Oo Soo Saaray Bayaan