Dhacdooyinkii Ugu Waa-weynaa sanadkii 2021

Somalia news

Dhacdooyinkii ugu Waa-weynaa Sanadkii tagay ee ka dhacay Dalka Somalia, kuwaasoo saameyn iyo xusuus ku reebay maanka Shacbiga Soomaaliyeed, Hadaba sannadkii hore ee 2021 maxay ahaayeen kuwii ugu waaweynaa? Hoos ka akhri liiska iyo waqtiga dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee dalka ka dhacay sannadkii hore:-

January 24, 2021: Dagaal u dhexeeya Ciidamada dowladda Federaalka iyo ciidamo daacad u ah Wasiirkii Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan ayaa ka dhacay magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

January 31, 2021: Weerar iyo qaraxyo lagu qaaday Hoteel Afrika oo ku yaalla Muqdisho waxaa ku dhintay Gen. Maxamed Nuur Galaal oo kamid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidamada,Sidoo kale waxaa ku dhintay dad isu’gu jiray shacab iyo askar dowladeed.

March 10, 2021: Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa ku geeriyooday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

April 12, 2021: Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka ayaa ansixiyay qaraar mudda laba sano ah mudda kordhin loogu sameeyay golayaaasha dowladda Federaalka kaas oo sababay qalalaase ka dhacay Muqdisho.

May 1, 2021: Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka ayaa ka laabtay mudda kordhintii labada sano oo ay u sameeyeen golayaasha dowladda Federaalka kadib dagaallo ka dhacay Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo oo maalintaas khudbad u jeediyay Baarlamaanka ayaa sheegay in uu hoggaaminta Doorashada iyo Amniga dalka ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

May 31, 2021: Waxaa deegaannada Somaliland looga dareeray codbixinta doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka. Doorashada oo ay codeynayeen dad ka badan hal malyan waxaana ku tartamayay 552 musharax oo golayaasha deegaanka ah iyo 246 oo ah golaha wakiillada, kuwaas oo ka kala socda saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani.

June 26, 2021: Waxaa la waayay Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsanayd Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA kiiskaas oo markii dambe Khilaaf xoogan ka dhex dhaliyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

June 29, 2021: Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada oo shir ku yeeshay Muqdisho ayaa soo saaray jadwal cusub oo doorasho waxaana la go’aamiyay in Doorashada Madaxweynuhu dhacdo 10 October 2021.

August 19, 2021: Maamulka Somaliland ayaa xiray wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ku ololeeyay in Xarunta Dhaqanka Hargeysa lagu marti qaado dad u ololeeya guurka dadka isku jinsiga ah xliliyada bandhiga buugaagta iyo in dugsiga Abaarso lagu faafiyo dhaqamada Masiixiga.

September 2, 2021: Hay’adda NISA ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Ikraan Tahliil ay u gacan-gashay Al-shabaab kadibna ay dileen balse Al-shabaab ayaa warkaasi beenisay 3 September 2021.

September 6, 2021: Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shaqa-joojin ku sameeyay Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir waxaana uu booskiisa si ku meel gaar ah ugu magacaabay Sarreeye Guud Bashiir Goobe. Isla maalintaas Madaxweyne Farmaajo ayaa diiday xilka qaadista lagu sameeyay Fahad Yaasiin taas oo sababtay khilaaf ka dhex-qarxay Farmaajo iyo Rooble.

September 16, 2021: Madaxweyne Farmaajo ayaa dikreeto uu soo saaray ku sheegay in uu hakiyay Awoodihii Ra’iisul wasaare Rooble, balse Rooble ayaa ka horyimid tallaabadaas.

October 2, 2021: Maamulka Somaliland ayaa khasab ku barakiciyay boqolaal qoys oo Soomaaliyeed oo ku noolaa magaalada Laascaanoood ee xarunta gobolka Sool.

October 12, 2021: Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ ayaa Soomaaliya u xukuntay inta badan Biya Badeedkii Kenya sheegatay ee dhaliyay dacwadda Badda Soomaaliya iyo Kenya.

October 21, 2021: Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in ay ka heshiiyeen khilaafkii soo kala dhex-galay, waxaana ay sheegeen in kiiska Ikraan Tahliil loo daayay Laamaha Garsoorka dalka.

October 23, 2021: Dagaal u dhexeeyay Galmudug iyo Ahlusunna ayaa la qarxay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduug, dagaalka oo socday muddo shan berri ah waxaa ka dhacay dhimasho, dhawaac iyo barakac soo gaaray dadka rayidka ah.

October 25, 2021: Puntland ayaa markii ugu horreysay qabatay doorasho qof iyo cod ah oo lagu doortay goleyaasha deegaanka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Doorashada waxaa ku tartamay 8 urur siyaaaadeed oo kala ah, Kaah, Mideeye, Horseed, Caddaalad iyo Sinnaan, Runcad, Mustaqbal, Ifiye iyo Shaqaalaha.

November 2, 2021: Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (Afrika) ayaa ku geeriyooday qarax lagula beegsaday Muqdisho kaas oo Al-shabaab sheegatay mas’uuliyaddiisa.

Novemver 24, 2021: Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa xilka qaadis ku sameeyay Agaasimihii hay’adda PSF Gen. Maxamuud Cismaan Cabdullaahi (Diyaano), wuxuuna xilkaas u magacaabay Gen. Maxamed Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr. Isla maalintaas PSF ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay sharci darro tahay wareegtada Madaxweyne Deni, waxaana magaalada Boosaaso ka billaamay dhaqdhaqaaqyo ciidan.

December 7, 2021: Qaar ka mid ah isimada Puntland oo ku jiray xiisadda u dhaxaysa dowladda iyo hay’adda PSF ayaa soo saaray go’aamo ay ka mid ahaayeen in ay dhaqan-gashay Digreetadii Madaxweyne Deni iyo in guryaha, hubka iyo gaadiidka PSF uu mulkiyadooda leeyahay Gen. Maxamuud Cismaan Cabdullaahi Diyaano.

December 8, 2021: Xukuumadda Puntland ayaa ku gacan-sayrtay go’aamada isimada, waxayna Gen. Maxamuud ku amartay in uu si deg deg ah ku soo wareejiyo hantida PSF.

December 20, 2021: Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya Gen. Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa Ra’iisal Waasare Rooble ku eedeeyay in uu boobay dhul ay leeyihiin Ciidamada Badda.

December 21, 2021: Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Puntland iyo kuwa PSF ayaa ka qarxay magaalada Boosaaso, dagaalka oo socday saddex berri waxaa ka dhashay khasaare weyn oo soo gaaray dadka rayidka ah oo isugu jira dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac baahsan.

December 23, 2021: Labada dhinac ee dowladda iyo PSF ayaa ku dhawaaqay xabbad-joojin ay garwadeen ka ahaayeen qaar kamid ah isimada iyo waxgaradka Puntland.

December 26, 2021: Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ku amaanya Hoggaaminta Doorashada Ra’iisul wasaare Rooble.

December 27, 2021: Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu shaqada ka joojiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble, balse Rooble ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid Af-gembi ah oo hareer marsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka.

159380cookie-checkDhacdooyinkii Ugu Waa-weynaa sanadkii 2021