Qoorqoor ma ku Dhiiran  karaa inuu Boobo HOP095? 

Somalia news

Qeylo dhaan ayaa ka soo yeereysa in Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Qorqor uu tafa-xeeytay, sidii u hirgelin lahaa boobka kursiga tirsigiisu yahay, HOP095, kaasoo ay ku suntan yihiin, beelaha Odow Sacad, ee dega konfurta iyo Bariga Mudug..

Xogaha laga helaayo magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaya in Beesha ku mideysan ODOW sida Jalaf, Nimcaale, Barqadle, Qurdhaale, Rer Maxamed iyo Rer Cabdi, ay si buuxda Qoorqoor ugu war galiyeen, iney doonayaan in HOP095, loogu tartamo si daah-furan.

Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka ay ka go’do talada Beesha kursiga isla leh, waxay hore u sheegeen in hannaanka loo marayo doorashada kursigaan, uu noqdo mid la mid ah, kursigii Wuqujire, ee HOP060, kaas oo Qaali Cali Shire, kaga adkaatay Ubax Tahliil.

Hayeeshee, Qoorqoor, oo soo jeedintaas, garab maray, ayaa doonaya inuu kursiga, u xoogo shaqsiyaad, Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ku daaban, oo ay ka mid yihiin Dhalac iyo Saynab Maxamed Xaabsay, waxaana lagu eedeeyay inuu meesha ka saaray, qaar ka mid ah, saxiixayaashii beelaha, wuxuuna gacantiisa ku qoray, saxiixayaal cusub, taas oo sababtay, in magaalada laga dareemo abaabul ciidan oo xooggan, kaas oo ay wadaan beelaha xaqooda la duudsiyay.

Tallaabadaas, ayaa sababtay, in Guddiga Hirgelinta Doorashada Galmudug, uu muddo hal maalin ah dib u dhigo, shaacinta Guddiga Xulista ergada kuraasta HOP095, HOP038  HOP069, iyadoo la filayo in maanta oo jimco ah la soo saaro soo xulayaasha ergada, isla markaasna doorashada la qabto 13-03-2022.

Baarlamaankii 10-aad, waxaa HOP095, ku fadhiyay Cabdikariin Khaliif Cabdi Dhalac, oo ka mid ahaa kabo-qaadyada Farmaajo, kaas oo hadda aan wax rajo ah laheyn, kuna quus qaatay, doorashadii mucjisada ahayd ee kursiga Wuqujire ee HOP060, Sida loo sheegay Wariyayaasha Diinah.com news oo u kuur galid ku sameeyeen guuxa Shacabka, Musharrax Xildhibaan, Maxamed Siciid Yare, oo ka yimid bahda waxbarashada, ayaa ah shaqsiga ay bulshadu la dooneyso inuu ku metelo Baarlamaanka 11-aad.

174270cookie-checkQoorqoor ma ku Dhiiran  karaa inuu Boobo HOP095? 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com