Loolankii Kursiga Hop#069 Oo Heshiis laga Gaaray

Somalia news

Wasiirka ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa ka tanaasulay loolankii uu ugu jiray kursiga Xildhibaan ee HOP#69, isagoo qiray inuu ka haray, una hambalyeeyey Cabdiraxmaan Odowaa oo hadda kursiga ku fadhiya mar kalena u sharxan…

Iyadoo aan weli la qaban doorashada, ayaa haddana wuxuu Al-Cadaala ayaa garwaaqsaday in rajada uu ku hanan karo ay tahay mid hooseysa taasoo horseeday inuu ka tanaasulo tartanka.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweyne Qorqor ayaa cadaadis Xoogan kala kulmay Ganacsatada iyo Odayaasha beesha kursiga leh, oo la sheegay inay si aad ah u doonayaan in dib loo doorto Odowaa, taasi oo keentay in odayaal taageersan Odowaa loo xil-saaro soo xulista ergada, Waxaa hadda la filayaa in odayaashan ay magacaabaan ergo taageersan Odowaa, taasi oo u sahleysa inuu ka adkaado Al-Cadaala.

Al-Cadaalada ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri:-

Dhanka Kale Liiska afar kursi oo ka mid ah kuraasta taalla Beledweyne ayaa la shaaciyay jadwalkiisa doorashada oo la qabanayo 14 bishan.

Afarta kursi ayaa mid ka mid ah kursiga #HOP135 oo ay ku fadhiso Aamina Maxamed Cabdi. Villa Somalia ayaa dadaal badan ku bixineysa in Aamino kursigaas la dhaafiyo, maadaama ay si weyn ugu dooday Kiiska Ikraan Tahliil, iyadoo ragga lagu eedeeyay kiiskaas ay Xildhibaano soo heleen.

174350cookie-checkLoolankii Kursiga Hop#069 Oo Heshiis laga Gaaray