Bogagii & Akoonadii Baraha Bulshada ee Kooxda Shababka Dib loo soo Howlgeliyay & Sababta..

Somalia news

Waxaa dib loo howlgeliyay Bogaga Internet-ka iyo Akoonadii Baraha bulshada ee xiriirka la lahaa kooxda Argagixisada Shababka kuwaasoo lagu faafin jiray afkaarta kooxda xag-jirka ah inkastoo Maamulka Villa Somalia ay dadaalo gelisay sidii ay hawada uga saari laheyd iyadoo adeegsaneysa Saaxiibadeeda Caalamka…

Xuuraano la helay ayaa daaha ka rogaaya on ugu yaraan laba Shabakadood oo Dowladu ku faantay iney hawada ka saartay dib loo howlgeliyay kadib markii dib loo diiwaan geliyay, sidoo kale akoonada xiriirka la leh Kooxda Argagixisada gaar ahaan Telegram-ka iyo Facebook ayaa si caadi ah u shaqeynaaya.

Halka Labada Idaacadood ee Kooxda leedahay as yaa weli ka shaqeynaaya degaanada ay Maamulaan ee Degaanada Konfurta iyo Bartamaha Dalka, Iyadoo Maamulka Xasan Sheekh ay mudnaan gaar ah siisay sidii loo yareyn lahaa Saameynta iyo Baafinta Wararka kooxda Argagixisada la xiriira inkastoo isku daygaasi uu ku soo dhamaaday fashil, maadama ay muuqaneyso iney sii shaqeynayaan afkaartoodana ku gudbinayaan Bogaga iyo Baraha Bulshada.

Waxaa kaloo Fadeexad noqotay in Kooxda argagixisada ay si joogto ah uga soo dhex tabineysay intii ay hoteelka ka dhex dagaalamayeen halka Hogaanka NISA iyo Warbaahinta Dowlada ku fashilmeen iney Xoqo Update ah ka siiyaan Shacbiga ilaa uu ka soo dhamaaday Howlgalka weerarka tooska ahaa, waana talaabo muujineysa Fashilka Maamulka koox Diimeedka Demu jadiid, Shacbkana laguma qancin karo Saraakiil Saldhigyo Boliis iyo NISA oo Xilalka laga Qaaday, waxaa la joogaa xiligii la la xisaabtami Hogaanka Wasaaradaha Warfaafinta, Amniga (oo aan Wasiir laheyn) iyo Talisyada Boliiska iyo NISA.

Khubarada ku xeel dheer arrimaha Amaanka iyo xakameynta kooxaha Argagixisada ayaa xaqiijiyay in Maamulka Villa Somalia ay u baahan tahay falsafad iyo aragti cusub ay ku wajahdo xakameynta garabka Warbaahinta kooxda Shababka oo aan ka aheyn Xiritaan, iyadoo Dagaalka Warbaahinta iyo xog uruurinta la xiriirta qorshayaasha kooxda ay muhiim u tahay in la helo Khabiiro Soomaali ah oo dhibkaan taagan ka talaabin kara.

315330cookie-checkBogagii & Akoonadii Baraha Bulshada ee Kooxda Shababka Dib loo soo Howlgeliyay & Sababta..