Qorqor Oo Kulansiiyay Garabyada Muxaafadka & Mucaaradka

Somalia news

Madaxa maamulka Galmudug ayaa xalay saq-dhexe kulan foolka fool ah isugu keenay Siyaasiga caanka ah ee Mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo 2-Xubnood oo taageersan Maamulka fashilmay ee Farmaajo, kuwaasoo saddexdooduba loo doortay iney Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ku metelaan degaanada Galmudug…

Kulankaan ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid muhiim ah oo ujeedkiisa lagu sheegay is cafin, sida ay shaacisay Madaxtooyada Galmudug oo qoraal kooban kasoo saartay kulankaasi, wuxuuna Qorqor ayaa kula dardaarmay saddexdaanXildjhbaan inay ka shaqeeyaan horumarka dalka, gaar ahaan inay si dhab ah baarlamaanka ugu metelaan Galmudug.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah siyaasi mucaarad ah ayaa wuxuu dhibaato dhinac weliba leh kala kulmay 5-tii sano ee ugu dambeysay Maamulka Farmaajo, iyadoo labadan Shaqsi ay ka mid ahaayeen kuwii tacadiyada u geystay kuwaasoo lagu abaal mariyay iney Xasaanaad helaan si aan loo horgeynin Cadaalada.

168980cookie-checkQorqor Oo Kulansiiyay Garabyada Muxaafadka & Mucaaradka