Maxaa Ka Jira In Dib Loo Soo Nooleynaayo Isbaheysigii Farmaajo & Kheyre

Somalia news

Iyadoo xiligaan doorashada dadban lagu guda jiro, ayaa waxaa soo shaac baxaaya Isbaheysiyo & Kutlooyn Xildhibaano ah kuwaasoo la sheegay iney xoogoodu isugu geynayaan sidii Saameyn muuqata loogu yeelan lahaa Doorashada Madaxweynaha cusub iyi Xilalka kale ee Dowlada..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in dadaalo xoogan xiligaan lagu bixinaayo in Farmaajo & Kheyre ay mar kale ku heshiiyeen iney dib u yegleelaan Isbaheysi uu udub dhaxaad u yahay Eedeysane Fahad Yasin, inkastoo Kheyre uu shuruudo ku xiray in Xubno badan oo muhiim ahaa iyo kuwo darajadoody hooseyso laga saaro, waxaana ka mid Muudey, Dalxa, Cali Yare iyo kuwo kale.

Wararka ayaa sheegay Eedeysane Fahad & Kheyre ay safar aan la shaacin ku tageen magaalada Dooxa intii uu Wasiirka 1-aad uu booqashada ku joogay dalka UEA, waxeyna kula soo heshiiyeen Dowlada Dooxa iney taageerto Isbaheysigaan cusub Dhaqaalena ku yaboohdo, Kheyre ayaa ku soo hungoobay inuu taageero ka helo Dowladaha Kenya & Djibouti.

169020cookie-checkMaxaa Ka Jira In Dib Loo Soo Nooleynaayo Isbaheysigii Farmaajo & Kheyre