Eedaha Loo Jeedinaayo Farmaajo Oo Kordhay

Somalia news

Iyadoo uu dhamaad yahay Muddo-xileedka Mr.Farmaajo, isla markaasna aysan muuqan rajo doorasho iyo diyaarinteeda, Sidoo kale waxaa sii kordhaaya tuhunkii ay Maamulada Gobolada iyo Xisbiyada Mucaaradka qabeen ee muddo kororsi, waxaana jira eedeymahaasi culus ee Loo jeediyay inuusan weli jawaab ka bixin…

Eedeymaha Oo xoogoodu ka imaanaya Dowlad goboleedyada iyo Xisbiyada Mucaaradka ayaa ku sifeeyay Maamulka Villa Somalia “Kali-talis” maroorsanaaya talada Dalka, taasoo horseedi karta in Wadanka uu galo dagaalo sokeeye Oo dhiig badan uu ku daato.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Oo wadan shaqeyn aysan kala dhaxeynin Mr.Farmaajo ayaa sheegay “Somalia ma joogto xilli uu Qof talin karo, Oo oronaaya Aniga iri, Waxaa Somalia halkaan soo gaarsiiyay waana talo xumida, Wada tashi la’aanta iyo isku tanaasulid la’aanta” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo madax ka ah Xisbiga Wadajir ayaa luqad adag kula hadlay Hogaanka Villa Somalia wuxuuna sheegay “ Falsafada xukun ee Aniga iyo Kaligii Wadani” ku dhisan waxey leedahay Waa in Madaxweynaha iyo maalinta Xoriyada la isku laro Oo Sawiradiisans meel walba lagu xardho, iyadoo la qariyay Halgamayaashii Xoriyada u soo halgamay” ayuu bartiisa Bulshada ku qoray.

Mr.Farmaajo ayaa Dhaqankaasi la soo baxay marka uu wada hadal kula jiro saamileyda Siyaasada, Waxaana lagu eedeeyaa inuu ka soo horjeeda Nidaamka Federaalka, isagoo ku taamaaya Nidaam dhexe Oo awood leh, iyagoo isku koobay Jiheynta Talada dalka iyo hanaanka loo maraayo doorshada.

45720cookie-checkEedaha Loo Jeedinaayo Farmaajo Oo Kordhay