Barkacayaal dib looga Barakaciyey halkii ay soo Maciinsadeen 

Somalia news

Waxaa dib looga barakiyey, kaam ku yaala, waaxda 3-aad ee Degmada Kaxda ee Gobolka Benadir ayaa laga barakaciyey, Qoysas Barkaacayaal gudaha Falka ah kuwaasoo ka soo hayaamay qeybo ka mid ah goboladii ay degenaayeen, kafib duruufo badan oo is biirsaday…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Dadkii iska lahaa milkiyada dhulka kaamka looga dhisay Barakacayaashaan, ayaa burburiyey Aqaladoodii cooshadaha ka sameysnaa, waana kuwa iminka tuban bannaan cidlo ah, iyadoo daruuftan hoy la’aanta ah ayaa ugu biireysa tii raashin iyo biyo la’aanta ahayd ee ay la daalaa dhacayeen, mana jirto cid si rasmi ah xaaladooda uga jawaabeysa.

Barakacayaasha dib loo barakaciyey, ee buushashkooda laga bur buriyey, ayey tiradoodu gaareysaa, 3,000 ( seddex kun), kuwaas oo u badan haween, caruur iyo dad qaba baahiyaha gaarka ah, oo aan awoodin in ay dhaq dhaqaaqaan.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo kan degmada Kaxda ee ay dadkani ku dayacan yihiin, ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan, xaalada nololeed ee adag ee ay Barakacayaashani ku sugan yihiin, waana arrinta murugo leh, oo xanuunjineysa qof walba oo leh damiir nool.

168950cookie-checkBarkacayaal dib looga Barakaciyey halkii ay soo Maciinsadeen