Qorshe Gurcan Oo Laga Diyaariyay Villa Somalia Oo Laga Digay

Politics

Macluumaad hordhaca ah ayaa sheegaya in Saraakiisha Sirdoonka Qatar ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo kaashanaaya Adeege Fahad iyo Saraakiil ka tirsan Xafiiska Madaxtooyada ay dajiyeen qorshe balaaran oo lagu khalkhal gelinaayo Amaanka Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland marka uu soo gaaro dhowaan Magaalada Muqdisho…

Xogtaan ayaa Diinah.com la qeybsatay Xuuraankaan lagu sheegay in qorshe weerar la dejiyay, iyadoo ay fulin doonaan Xubno dhalinyaro ah oo ka soo jeeda degaanada Puntland, KG iyo Gedo, waxeyna qaarkood ku sugan guri ku yaal agagaarka Madaxtooyada Qaranka, una Dhaw Xarunta NISA ee Gobolka.

Guriga oo ay daganaan jireen Madaxweyne Lafta Gareen iyo Sambalooshe ka hor inta uusan Kireeysan Sargaal magaciisa yiraahdo Abdirisaaq Jaamac oo ah Madaxa Waaxda Howlaha Gaarka NISA,

Sida qorshaha yahay weerarka ayaa ku bilaabanayo gaari nooca daynaha oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxo, kadibna waxaa xigo doono weerar toos oo ay fuliyaan Maleeshiyaad isku dhaf ah, Weerarka ayaa la fulin rabaa  markii Madaxweyne Saciid Abdullahi  Dani uu soo gaaro caasimada Muqdisho,

Waxaa la ogyahay in Madaxweyne Dani uu halis ku yahay qorshaha Dowlada Qatar ka leedahay Soomaaliya isla markaasna uu kuhowlan yahay in Soomaaliya ayka dhacdo doorasho 2020/2021.


25400cookie-checkQorshe Gurcan Oo Laga Diyaariyay Villa Somalia Oo Laga Digay