Ma Dhabaa in Guri uu lahaa Mas’uul Dowlada ka tirsan Dadkiib Degenaa Laga Saaray

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in kooxda argagixisada Shababka ay ku dhiiradeen iney dhisme kiro ahaan ay u degenaayeen qoysas Soomaaliyeed ay ku wargeliyeen iney si deg deg ah muddo gaaban uga guuraan, iyadoo guriga calaamad is-tilaab guduudan la saaray..

Wararka ayaa sheegay in Dhismahaan oo ku yaal degmada Wardhiigley Gobolka Benadir waxaa la sheegay inuu iska lahaa Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Dowlada Federaalka, talabaadaan ayaa noqotay mid ku cusub dagaalka u dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada Shababka, iyadoo dhowaan dhismayaal badan ay Dowladda qorsheyneyso iney la wareegto, kuwaasoo la sheegay iney iska leeyihiin Horjoogayaasha Shababka.

Dhaka kale, Kooxda argagixisada Shababka ayaa ugaarsi ba’an ku heysa Dadka kireeya Gaadiidka xamuulka ee u baxa Gobolada Dhexe, iyadoo shalay galab la dilay Marxuum lagu magacaabi jiray Cumar Sheekh Cabdullaahi agagaarka Carwo Idko ee magaalada Mogadishu, waana dilkii 3-aad bishaan gudaheeda, Marxuumiintaan ayaa argagixisadu u dileen iney u qaadi waayeen Walxaha qarxa iyo agab Ciidan.

226660cookie-checkMa Dhabaa in Guri uu lahaa Mas’uul Dowlada ka tirsan Dadkiib Degenaa Laga Saaray