Maamulka Hargeysa Oo Tiro Saraakiil ah U Gacan Geliyay Ethiopia

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo Sheegaya in Maamulka Muuse Biixi ay Dowladda Ethiopia dhowaan u gacan galisay 26-Sarkaal oo ka mid ahaa Ciidamada Tigrey-ga oo laga qabtay magaalooyinka Hargeysa, Laascaanood Iyo Burco…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in howlgal ay si wadajir ah u wada fuliyeen Qeybaha Sirdoonada Ethiopia iyo Somaliland ay ku guuleysteen iney qabtaan 26-Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia kuwaasoo u baxsaday degaanada Laascaanoid, Burco iyo Hargeysa, iyadoo la sheegay in tiro aan badneyn Xubno k soo jeeda Oromada lagu dhex daray Qabashada.

Waxaana la saaray Gaari Bus ah oo ay leedahay Shirkadda Isu socoda Waqooyiga iyo Galbeedka Gobolada, iyadoo Maxaabiista la sheegay in laga talaabiyay Xadka Wajaale, iyadoo la sheegay in halkaasi ay ku sugaayeen 6-Gaari oo kuwa Ciidamada Ethiopia ah, wareysi gaaban kadib la sheegay in la siidaayay Maxaabiistii ka soo jeeday Oromada.

136760cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo Tiro Saraakiil ah U Gacan Geliyay Ethiopia