Ma Dhabaa in Ciidamada USA ay Fariisiino cusub Ka dhisanayaan Somalia..

Somalia news

Macluumaad Sirdoon ayaa daaha ka rogaaya in Mareykanka uu qorsheynayo inuu Dalal ay Somalia ku jirto ka dhisato Fariisino Ciidan oo gaar u ah cutubyadiisa iyo kuwa ka tirsan Ciidamada Dalalka Africa, waxaana ku baxaya qarash dhan 165-Millions oo US$, waxana qandaraaska dhismaha la siiyay Shirkadda Amentum oo ku xeek dheer dhusmaha, USA ayaa Aduunka uu ku leh 750 Base…

Khubarada ku xeel dheer arrimaha Ciidamada ayaa Su’aal ka keenay sababta keeneysa in cutubyo ka tirsan ciidamada Somalia ay si gaar ah u helaan tababarkaasi, halka taageero buuxda loo siin waayey dhamaan Ciidamada Qalabka sida? Waxaa kaloo ka sii muhiimsan, goorma ayaa cutubyadan lagu wareejinayaa dowladda Somalia, si meesha looga saaro faragelinta shisheeye ee Ciidamada Dowlada Federaalka.?

Waxaa jirta sabab Somalia loogu kala saaro dal fashilmay! Dalalka sheeganaya iney Dowlada Federaalka ka taageerayaan geedi-socodkeeda Dowlad dhisida waa iney garwaaqsadaan in faragelintooda iyo hindisahooda, u horseedaya in la duudsiyo doorkii saxda ahaa ee dowladda iyo maamul xumadii ka dambeysay, iney ka dhigan tahay arrin muhiim ah oo ka mid ah dhibaatooyinka Somalia.

Waa arrin aan la aqbali karin in Ciidamada Dowladda ay noqdaan kuwo u kala qoqoban Dalal (USA, Danab, Turkiga Gorgor iyo Haramcad, UAE kuwo Khaalid bin Waliid) u shaqeeyaan oo kaliya sidii Hay’ado NGO ah loona baxsado magacyo isla markaasna ka amar qaata Dalalkaasi hadiiba howlgal loo diyaarayo, Maamulka Villa Somalia ayaana dhiiri gelinaaya in Qorshahaan hirgalo.

293760cookie-checkMa Dhabaa in Ciidamada USA ay Fariisiino cusub Ka dhisanayaan Somalia..