Odayaal Dhaqmeed Ka Digay Dilalka Iyo Ugaarsiga

Somalia news

Shirqool iyo Howlgal qorsheysan ayaa lagu tilmaamay dil ay jimcihii tagay fuliyeen koox bastoolado ku hubeysan, wuxuuna ka dhacay degmada Dayniile, iyadoo kooxda laba kaarlayaaaha lagu tuhmaayo khaarijinta 2/Xidigle Marxuum Xuseen Sheekh Muxumad (Xuseen Sandheere) oo ahaa sarkaal oo qaraabo dhow ay yihiin Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik oo ku dhawaad muddo laba bilood ah u xiran arrimo siyaasadeed…..

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com u xaqiijisay in Maalimihii ugu dambeeyay ay Madaxtooyada Villa Somalia iyo Xarunta NISA ay dejiyeen qorshe balaaran oo ku aadan sidii looga sifeyn lahaa Qeybaha Ciidamada Xooga Dalka iyo Boliiska Saraakiisha iyo Ciidamada daacada u ahaa Ra’iisul wasaarihii hore, iyadoo Marxuumka kor ku xusan uu Maalintii Arbacadii tagtay uu ka qeyb galay Kulan ay yeesheen Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye.

Inkastoo aan la ogeyn cidda sida rasmiga ah uga dambeysa dilka Xuseen Sheekh Muxumad (Xuseen Sandheere), haddana dadka ehelka la ah waxay farta ku fiiqeen inay ka shaki qabaan in dilkiisa ay ka dambeeyeen dad doonaya inay aamusiyaan dadka qeybta ka qaadanaya dadaallada lagu doonayo in Gaashaanle Ismaaciil uu xorriyadiisa dib u helo.

Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka Waxey ka digeen inay soo gaartay in la rabo in Ismaaciil loo wareejiyo xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku xiran yihiin Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Shababka, isla markaana la rabo inay ku dhex dilaan xabsiga.

68480cookie-checkOdayaal Dhaqmeed Ka Digay Dilalka Iyo Ugaarsiga