Qoysas Dib-u-dajin loo Sameeyay oo Wajahaya Shaqo la’aan Sababtay Rashiin La’aan..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee Gobolada Jubada hoose ayaa sheegaya in ka badan 150-Qoys oo dib-u-dajin loogu sameeyay Degaanka Luglow, markii laga raray xero ku taala gudaha Kismaayo ayaa wajahaya xaalad nolol-xumo. Waxaa u sabab ah shaqo la’aan ku haysa halka la dajiyay…

Wararka ayaa sheegaya in Qoysaskaan ay u badan yihiin muruq-maal ka xoogsan jiray Suuqyada magaalada Kismaayo, Waalidiinta qaarkood ayaa door-biday iney ka dhaxaan Caruurtooda si ay uga soo shaqaystaan gudaha magaalada Kismaayo oo Luglow u jirta masaafo dhan 25-KM.

Qaar ka mid Qoysaskaan ayaa sheegay in shaqada ay qabtaan maalintii ka helaan qiyaastii 3-US$, waxeyna ku direen hanasnka EVC ee Telefonada, iyagoo intaasi raaciyay iney qaarkood dulsaar ku yihiin qoys degan magaalada Kismaayo oo ay soo dhawayn ku meel-gaar ah ay ka heleen, kuwaasoo ka caawiya meel ay jiiftaan habeenkii.

Muwaadiniintaan ayaa sheegay in Dhibaatadaan u dheer tahay inaysan si joogta ah u booqan karin Qoysaskooda, maxaa yeelay Waxay dhibaato ku qabaan qiimaha lagu raaco Gaadiidka u kala goosha magaalada Kismaayo iyo Luglow oo rakaabkii laga qaado $8 xiligasn aysan awoodin.

338790cookie-checkQoysas Dib-u-dajin loo Sameeyay oo Wajahaya Shaqo la’aan Sababtay Rashiin La’aan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com