Muxuu Salka ku Hayaa Is-jiijiidka Siyaasadeed ee ka taagan Somaliland

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Xiisadaha siyaasadeed ee u dhaxeysa Maamulka Muuse Biixi & Hogaamiyayaasha Xisbiyada Muxaaradka, khilaafkaan ayaa salka ku haya Saddex aragtiyooda kuwaasoo dano ay istuseen Siyaasiyinta is haysaa, waana In la iswaafajiyo si xal loo helo….

Isjiijiidkaan siyaasadeed siyaasiga ah ee Somaliland, ayaa ah mid ku qotoma Siyaasadda oo danaha laga leeyahay ay tahay sidii sad-buursi loo heli lahaa waxaana la caddeeyay inuusan ku qotomin sharci muranka intiisa badan, waxaana lagu soo koobay 3-Qodob.

-Xisbiga talada haya ayaa aamisan in doorasho Madaxtooyo oo uu galaa ay ku tahay dhimasho xiligaan, waxaana sabab u ah in ka qabto doorashada ay yaqiinsan yihiin ineysan natiijo fiican ka keeni karin xiligaan, waa damac khatar ku ah geeddi socodka iyo nabadda.

-Xisbiyada Mucaaradka waxey u arkaan haddii la qabto doorashada Madaxtooyada in ay guulaysanayaan, taasi waa damac kale oo hawshiisa wata oo ku adkaysashadiisu aanay xal keeni karin.

-Guddiyada dhexdhexaadinta oo dadaal u galay sidii dhinacyadaan isku soo dhaween lahaa Nabada iyo Xasiloonida looga wada qeyb qaadan lahaa, isla markaasna dhaqaalaha ku baxaaya Doorashada la beekhaamiyo.

210460cookie-checkMuxuu Salka ku Hayaa Is-jiijiidka Siyaasadeed ee ka taagan Somaliland