Talaabooyinka Xudunta U Ah Xiriirka Kenya & Somalia

Somalia news

Muddo 4-sano ah waxaa hadba heer soo maraayay xiriirka u dhaxeeya Somalia iyo Kenya, iyadoo Talaabooyinka tuhun abuuray Ee Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu u maareeyay is-qab-qabsiga Diblomaasiyadeed Ee ka dhex oogan labada dal Ee deriska ah…

Khubarada u dhuun daloola Khilaafka labada Dal ayaa ku tilmaamay talaabooyin kaasoo ku u muuqanaaya kuwo is burinaaya, dadaalada labada dhinac ay wadeen bilihii ugu dambeeyay si xal looga gaaro Khilaafka shaqsiga ah Ee u dhaxeeya Farmaajo iyo Uhuruu, kuwaasoo ku soo dhamaaday natiijo La’aan.

Ilo Wareedyo ayaa sheegay in khilaafkaan aan xal dhab ah laga gaari karin, Waxaa sabab looga dhigay siyaasadaha aan fadhin Ee Farmaajo oo ku dhisan laba wajiileynta, midda hore ayaa ah Farmaajo inuusan dooneynin inuu dhabarka u jeediyo Dadaalada Dalka Qatar oo dano Dhaqaale ka heli jiray, tan 2-aad ayaa inuu Taageerayaashiisa u muujiyo inuu weli jilaayo Kaarkiisa Wadaniyada.

-Inuu jiro wada hoose oo u dhaxeeya Rooble iyo Uhuruu oo ay garwadeen ka tahay Dowladda Djibouti, Dhabahana u xaartay isku soo dhowaasho labada dhinac ah, taasoo hurdada u diiday Farmaajo iyo Fahad.

-In Farmaajo Uu abuuro xujo cusub ka hor Kulanka bisha 18-20 Juun Ee madasha Antalya Forum Ee Turkiga kaasoo ay soo wada diyaariyeen Turkiga iyo Qatar laguna kulansiinaayo Farmaajo iyo Uhuruu.

-Inuu Danaha Qaranka ka door bido mida Shaqsiga ah (Ganacsiga Qaadka Ee Walaalkiis).

Qiimeynta xiriirka Caalamiga ah Ee 4-tii sano Ee Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ayaa muujineysa hoos u dhac weyn inuu ku yimid marka la barbar dhigo Maamuladii ka horeeyay, Somalia ayaa lumisay dalal xulafo la ahaa kuwaasoo ku garab istaagay masraxyada dunida.

125010cookie-checkTalaabooyinka Xudunta U Ah Xiriirka Kenya & Somalia