Maleeshiyaad Shababka Ka Tirsan Oo Weeraray Degmada Balcad

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda argagixisada Shabaabka ayaa saakay waabarigii weerar kedis ah ku qaaday degmada Balcad oo 30-km u jirta Caasimadda Dalka, sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeen…

Wararka ayaa sheegay in Weerarkaan oo dhowr jiho ah ay Maleeshiyaadku kaga soo duushay una suurta gelisay iney la wareegeen inta badan 5-ta Xaafadood ee degmada Balcad ka kooban tahay, lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo soo gaaray Dadka Rayidka ah.

Mas’uul ka tirsan Qeybta Caafimaadka ayaa sheegay “Khasaare soo gaaray dad shacab ah iyo dhinacyada dagaalamay ayaa jira balse wali tiro koob lama samay”, Xarunta Maamulka Degmada Balcad iyo Saldhigga Boliiska ayay la wareegeen Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada, Ciidamada Dowladda ayaa difaac ka galay buundada magaalada Balcad halkaa oo dagaal xoog leh uu ka dhacay.

Dagaalka ayaa yimid iyadoo inta badan ciidamadii dowlada ee ku sugnaa degmada Balcad ay ku sugan yihiin caasimada dalka ee Muqdisho kadib xiisada siyaasadeed ee u dhexeysa madaxda u sareysa dalka.Degmada Balcad ayaa ka mid ah degmooyinka gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka Hirshabeelle.

159040cookie-checkMaleeshiyaad Shababka Ka Tirsan Oo Weeraray Degmada Balcad