Raadka Xun & Saameynta ee Laga Dhaxlaayo Dhaqan-xumida & Faafinta Falalka Been Abuurka Baraha Bulshada..

Security Somalia news

Sanadahaan dambe waxaa aad u soo kordhaaya dhaqan-xumida, Faafinta falalka Been abuurka iyo dhibaatooyinka baraha bulshada ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed, Algorithm-yada iyo hab-dhaqanka ay adeegsadaan baraha bulshadu ku xiriirto waxay khatar weyn ku yihiin Amniga iyo wada degaanashaha Shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaan marka la tixgeliyo hurinta colaadaha qabyaaladeed ee ka dhex jira bulshada…

Adeegsiga khaldan ee Baraha bulshada ayaan wejiyo cusub aan siineynin dadaallada dib u heshiisiineed ee ka socda dalka, iyadoo la og yahay in maanta baraha bulshada ay door ka qaataan kicinta, abaabulka iyo wacyigelinta bulshada ee arrimaha dib u soo nooleynta dagaaladii sokeeye, waana lagamaarmaan in qeybaha ku howlan dadaalada dib u heshiisiinta Beelaha colaadaha dhex maray ay dib u milicsadaan fariimaha ka soo burqanaaya Baraha Bulshada maxaa yeelay Baraha bulshada ayaa kaalin weyn ka qaatay sii xumeynta colaadaha qabaa’ilka.

Inkastoo Xoogaga Amaanka Caasimada ay qaadeen talaabooyin lagu xakameynaayo Dadka kicinaaya dob u soo nooleynta dagaaladii beelaha, hadana howshu waa “Faanoole fari kama qodna”, maxaa yeelay kooxo Qurba & Qorax joogto ah ayaa si hoose u wada abaabulka iyo kicinta dhaqaalena ku bixinaaya sidii mar kale dagaalo lagu huubto uga dhici lahaa Caasimada Mogadishu.

Dowladda Federaalka ayaa looga fadhiyaa inay arrintan wax ka qabato, gaar ahaan arrimaha ku saabsan qurbajoogta Soomaaliyeed, taasoo kicinaysa dadka gudaha Somalia, Marka la eego in Dalku uu leedahay mid ka mid ah adeegyada internetka ugu jaban, waxaa fudud in arrimahan ay si degdeg ah u faafo.

339370cookie-checkRaadka Xun & Saameynta ee Laga Dhaxlaayo Dhaqan-xumida & Faafinta Falalka Been Abuurka Baraha Bulshada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com