Shababka Oo Dhaqaaq Maleeshiyo ka wada Konfurta Gobolka Mudug

Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan ayaa tilmaamaya in Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Kooxda Shababka ay xiliyadii ugu dambeeyay wadeen qorshe ay ku go’doominayaan Degaanka Wisil iyi Degmada Hobyo oo ja tirsan Gobolka Mudug…

Wararka ayaa sheegay in maleeshiyaadka kooxda Argagixisada Shababka degaanka Wisil oo ka tirsan degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ay laba jiho kaga sii siqayaan degaankaasi, si ay u go’doomiyaan, isla markaasna u qabasadaan.

Tiro badan oo Maleeshiyaad hubaysan oo ka tirsan Kooxda shabaab ayaa sida wararku sheegayaan iney culeysyo amni ku hayaan labada Magaalo, iyagoo maalmihii u dambeeyay abaabul Maleeshiyo ka waday dhulka ku xeeran Wisil islamarkaana waxa cabsi laga dareemay halkaasi qaxna ka bilaawday.

Xoogaga hubeysan ee degaanka ah ayaa sidoo kale la sheegay in ay diyaar-garow ugu jiraan difaaca Wisil maadaama aysan weli garab ka helin Ciidamada Galmudug iyo kuwa Dowladda Federaalka Somalia.

183090cookie-checkShababka Oo Dhaqaaq Maleeshiyo ka wada Konfurta Gobolka Mudug
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com