Maxaa Xiligaan Kulmiyay Dalalka Ethiopia, Italy & Somalia

Africa News Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan 3-geesood ah oo magaalada Addis abeba uga furmay Madaxda Dalalka Ethiopia, Italy iyo Somalia kulankaan ayaa lagu wada in lagu gorfeeyo sidii xiriir iskaashi u yeelan lahaayeen isla markaasna saameynta Dalka China loo xadidi lahaa, waxaana loogu magac daray Qorshaha Mattei ee Africa…

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Duulaanka Siyaasaadeed ee Talyaaniga uu salka ku haya sidii loo soo nooleyn lahaa Xiriirkii kala dhaxeeya Dalalka Geeska Africa, iyagoo haatan wada kulan la qorsheeyay in Xarunta FAO ee Roma lagu qabto 24-26 ka bisha Luuliyo, Halka Dowladda Talyaaniga ay Qorsheysay iney Bisha Oktobar ay martiqaad u fifiso dhamaan Madaxda Dalalka Africa.

Xogo ayaa tilmaamaya in Dhaqdhaqaaqyadaan ay daaha gadaashiisa ka riixayaan Shirkadda Shidaalka ee ENI oo sida la xasuusan yahay Saameyn ku laheyd Muranka Xeebaha Somalia iyo Kenya lana safatay dhaqaalane ku bixisay Maamulka Nairobi sidii ay ugu guuleysan laheyd Dacwada Maxkamada Aduunka, haatana xiriir hoose la yeelayay Xasan Sheekh si loo siiyo Mashruuca Sahminta Shidaalka Ee xeebaha Jubooyinka inkastoo uu uu soo fara geliyay Mareykanka.

251500cookie-checkMaxaa Xiligaan Kulmiyay Dalalka Ethiopia, Italy & Somalia