Ra’iisul Wasaaraha Somalia Oo Mas’uul ka soo Jeeda Puntland u Magacaabay Jago…

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka kaasoo lagu magacaabay Eng. Ismaaciil Siciid Aw-Musse, Maareeye ku-xigeenka Dekadda magaalada Muqdisho, kadib soo-jeedintii Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS…

Wararka ayaa sheegaya in Magacaabistan ayaa qayb ka ah qorshaha lagu dardargelinayo dib-u- habaynta iyo horumarinta kaabayaasha Dekadaha Dalka, si waafaqsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee DFS, iyadoo Mas’uulkaan uu kasoo jeeda Degaanada Puntland oo Hogaankeedu muddo 3-sano ka hor xiriirkii wada shaqeyneyd u jaray Dowlada Federaalka.

Maareeye ku-xigeenka cusub ee Dekedda Muqdisho, Eng. Ismaaciil Siciid Aw-musse oo ah siyaasi iyo aqoonyahan wax ku bartay dalka iyo dibadiisa ayaa la filayaa inuu kor u qaado isla markaana horumariyo dekedaha dalka.

359290cookie-checkRa’iisul Wasaaraha Somalia Oo Mas’uul ka soo Jeeda Puntland u Magacaabay Jago…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *