Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Teendhada Afisioni

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo laga helay ilo ku dhow Saraakiisha la socota Madaxweynayaasha Puntland (Siciid Deni) iyo Jubbaland (Axmed Madoobe) ,ayaa la wadaagay Wakiilka UN-ka iyo Danjiraha USA 3-daan qodob oo kala ah….

: In aysan ku imaan Muqdisho casuumaad uga timid Farmaajo oo ay soo ajiibeen martiqaadkii Labada Safiir, hadii ay doonayaan Shir aan heshiis micno leh kasoo bixina ay u imaan lahaayeen dhowrkii jeer ee horey uu u casuumay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday.

: In aysan qorshaha ugu jirin ka qeybgalka Shir aan laga heshiin Ajandihiisa, iyo sida loo galayo.

: In Beesha Caalamka ay Shirka qeyb ka noqoto, oo ay goobjoogayaal ku yeelato Shirka, si ay u ogaato dooda dhinacyada, sidoo kalena ay damaanad qaado fulinta Heshiiska dhinacyada, maadama ay fashilmeen heshiisyo horey loo wada galay.

Wakiillada Qaramada Midoobay James Swan iyo Mareykanka Donald Yamamoto, ayaa soo dhaweeyay dooda Labada Madaxweyne, waxaana ay ka dalbadeen inay kala shaqeeyaan qabsoomida Shirka oo ay Beesha Caalamku hoggaaminayso. Kulanka ayaana kusoo dhamaaday is afgarad.

Wakiilka UN-ka iyo Danjiraha USA Ee Somalia ayaa lagu wadaa gelinka dambe ee maanta la kulmi doona Farmaajo, kaasoo ku sugan Teendhada Afisioni isaga garabkiisa.

104170cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Ee Teendhada Afisioni