Ma Dhabaa In Villa Somalia Ay Oggolaatay Kala Dirista Guddiyada Doorashada

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa sheegaya in Kulan wada tashi ah oo Xalay Madaxtooyada Villa Somalia ka dhacay ayaa lagu gaaray Go’aan ah in la bedelo Guddiyada muran keenay, kadib markii ay Dadaal iyo culeys Saar badan ay sameyeen Beesha Caalamka lagu guuleysay in la xaliyo Arrimaha laxiriira Khilaafka ka dhashay Guddiyadaasi…

Ilo wareedyadaan ayaa Diinah.com u xaqiijiyay in Kulankaasi ay yeesheen Mr.Farmaajo,Wasiirka 1-aad Mr.Rooble, Agaasimaha NISA Adeege Fahad Tasin iyo Madaxa Galmudug Mr.Qorqor, iyadoo looga tashaday sidii loo bedeli ahaa Guddiyada Muranka xoogan dhaliyay, Kulankaasi ayaa ku aaday xili uu dalka galay marxalad xasaasi ah, iyadoo Xisbiyada Mucaaradka ay ku hanjabeen iney dhankooda ka magacaabi doonaan Guddiyada Doorashada.

Ogolaashada Maamulka Farmaajo ay Ogolaatay inay kala diraan Guddiyada Doorashada ayaa waxaa ka shaqeeyey Beesha Caalamka iyadoona hada u muuqatay in lagu Guuleystay Dadaalkaasi, Kala diristaan Guddiyadaan ayaa noqonayo mid mugdi ka saaraayo Hanaankii Doorasho ee lagu murusanaa.

Sidoo kale waxaa jira dadaalo kale oo ay Wakiilada Beesha Caalamka ay wadaan kuwaasoo ah in Kulan guud loo qabto Hogaanka Villa Somalia iyo Madaxda Mucaaradka kaasoo lagu soo afjarayo Khilaafka ka taagna Guddiyada Doorashada iyo kuwa Khilaafaadka.

75650cookie-checkMa Dhabaa In Villa Somalia Ay Oggolaatay Kala Dirista Guddiyada Doorashada