Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble Oo Eedeyn u Jeediyay Hogaanka Dalku kala Xisaabtami Doono…

Somalia news

Ex.Wasiirkii 1-aad Mr.Maxamed Xuseen Rooble oo la hadlaayay Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Konfur Afrika ayaa sheegay iney run ahayd caqabadihii ka qabsatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee looga carqaladeeyay inay helaan isaga iyo wafdigiisa warqadda habraaca ee Dalabka visaha dal ku galka dalka Koonfur Afrika…

Rooble wuxuu sheegay in muddo 20 maalmood ah ay u xayirnaayeen dalabkii ay u gudbiyeen Safaaradda Somalia ee Kenya ayna keentay xitaa inay qaar kamid ah wafdigii raaci lahaa ay ka haraan safarka, “Madaxda dalka waan kula xisaabtami doonaa markaan dib ugu laabto Somalia, waxaana qaadi doonaa tallaabo dhibka aan kala kulanay Wasaaradda” ayuu yiri Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Maxamed Xuseen Rooble.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ayaa horey u beenisay wararka la isla dhexmaarayay ee baraha Bulshada lagu hadal haayay ee ahaa in Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble loo diiday dalabka Visa ha dal ku galka Dalka Konfur Afrika, waxeena ku tilmaamtay mid been abuur ah.

361670cookie-checkRa’iisul Wasaarihii hore Rooble Oo Eedeyn u Jeediyay Hogaanka Dalku kala Xisaabtami Doono…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *