Shirkii 76-aad Ee UN-ka Oo Ka Bilaawday Magaalada New York

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada New York ee Dalka Mareykanka ayaa sheegaya in maalintii shalay uu ka furmay shirka 76-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, iyadoo madaxda Aduunka ay khubado ka jeediyay doonaan…

Qodobada Miiska Saaran Sanadkaan:-

-Dib u laba kacleynta Dagaalka Qabow (Cold war).

-Isbedelada Cimilada ( Sare u kaca Xaraarada, Duufaanada iyo Dabka).

-Cudurada dilaaga ah gaar ahaan Saameynta COVID-19.

Hogaamiyayaasha Aduunka ayaa qaarkood khudbado iyo muuqaalo horey loo duubay ka jeedin doona halka kuwo kale ay goob joog ka noqon doono oo Khudbado toos ah jeedin doona.

Somalia Sanadkaan Madaxweyne muddo xileedkiisu dhamaaday ayaa khudbad horey loo duubay ka jeedin doona, isla markaasna 8-bilood ah sharci darro xukunka ku fadhiya, isagoo lagu Eedeeyay inuu ka gaabiyay inuu Dalka gaarsiiyo doorasho Qof iyo cod, isla Dalka Nabad ku soo dabaalo.

142060cookie-checkShirkii 76-aad Ee UN-ka Oo Ka Bilaawday Magaalada New York