Villa Somalia Oo Banaanbaxyo Abaabuleysa

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa qabanqaabo iyo diyaarin ay ka wadaan Xasan Cabdulahi Farmaajo iyo ina Maxamed Cabdi Yuusuf magaalada Muqdisho, iyagoo dhaqaale xoogan u qeybinaaya si uu u hirgelo Banaanbaxyo lagu wado in lagu qabto Magaalada Muqdishu….

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.con news u xaqiijisay in Shaqsiyaadka oo kaashanaaya Maamulka Gobolka Benadir ayaa abaabulaya bannaanbax gacan kurimis ah, Maalinta berito lagu wadaa in ilaa dhowr Boqol oo barakacayaal ah ay bannaanbax kadhigaan Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in dhaqaale Boqolaal kun US$ oo ah canshuurti shacabka Magaalada Muqdishu ayaa ladoonayaa in lagu khasaariyo bannaan baxyo taageero aan jirin loogu muujinayo Maamulka Fashilmay ee Farmaajo.

Haddaba Bulshada Muqdisho waa iney talaabadaan kadigtoonaadaan oo aan lagu been abuuran, iyadoo laga cabsi qabo inuu horseedi karo inuu dhibaato ka dhalato Doorashada bugta ah ee la qorsheeyay in lagu boobo sanadka 2021.

74860cookie-checkVilla Somalia Oo Banaanbaxyo Abaabuleysa