Rooble Oo Guddiyada Doorashada Waqooyiga Kala Hadlaaya Khilaafka

Somalia news

Wasiirka 1-aad ee Dowladda xil gaarsiinta Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan gaar ah isugu yeeray Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Gobollada Waqooyi (Somaliland) oo labo garab u kala jabay…

Rooble ayaa 11-ka xubnood ee kala yimid Xafiiskiisa, Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS & Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar wadajir uga fadhiisanaya si uu xal ugu helo khilaafka kala qaybiyay.

Wasiirka koowaad ee XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeen Mahdi Guuleed waxaana uu kala hadlay sidii loosoo afjari lahaa khilaafkooda isla markaana la bilaabo in la isku keeno xubnaha guddiga ee la kala saftay.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimu waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo mas’uuliyad ka saaran qabsoomidda Doorashooyinka uu diyaar u yahay xal u helista khilaafaadka si doorashooyinka bilawday ay u qabsoomaan.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal (FIET) ayaa Ku baaqay in la dadejiyo qabsoomidda Doorashooyinka Labada Gole Baarlamaanka Federaalka oo keliya xubnaha Aqalka sare Doorashadooda ay bilaabeen Jubbaland & Koofur Galbeed.

132730cookie-checkRooble Oo Guddiyada Doorashada Waqooyiga Kala Hadlaaya Khilaafka