Ma Dhabaa in Maamulka Galmudug & Kan Federaalka ay Ka Gaabiyeen Xakameynta Dilalka Aanooyinka..

Somalia news

15-kii sano ee u dambeysay waxas si cad uga socday Degaanada Galmudug Dagaalo/Dilal qorsheysan ee aanooyinka Beeleed ku dhisan kuwaasoo mararka qaarkood horseeda dagaal toos oo ay beelihu ku dagaalamaan Dhul daaqsin ah, qodis Baraago/Ceelal iyo Dhul balaarsi…

Khubarada ku xeel dheer arrimahaan ayaa xusay in Dilalka la xiriira aanada qabiil uu soo taxnaa muddo dheer ah marka loo eego guud ahaan Guud ahaan Degaanada Dalka, kuwaasoo qaarkood si deg deg ah loogu howlgalo deminta, Laakin Dilalkaan iyo Dagaalada Beeleed ee Gobolka Galgudud ayaa iminka faraha ka baxay oo xitaa dhaafay kan jira Konfurta /Waqooyiga Mudug.

Abaabulka iyo qorsheynta Dilalka ee Qeybaha Birimageydada ah ayaa noqday kuwo tixane ah bal dib u milicso 7-Septembar 2023-dii Dilkii loo geystay Dr.Marxuum Zakariye Cabdi Jaamac  oo bartiisa shaqo aano Qabiil loogu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, halka 23-Oktobar Macallin Dugsi Quraan iyo Ardaydiisa loo dilay colaadda ka jirta degaankiisii awgeed, Iyadoo 31-10-2023 Marxuumiinta Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed oo ah ganacsato loo dilay Aano Qabiil xiisadaha ka taagan Degaanka Xananburre.

Hadaba, Maxaa kala gudboon Shacbiga Soonaaliyeed kadib markii Dowlada Federaalka iyo Maamulada Puntland iyo Galmudug ka gaabiyeen iney xilka loo igmaday ka gutaan xoojinta Amaanka iyo Nidaamka kala dambeynta, kadib markii ay ku soo koobmeen dirista Tacsida, halka Dhagar qabayaasha aan Cadaalada la horkeenin.

285200cookie-checkMa Dhabaa in Maamulka Galmudug & Kan Federaalka ay Ka Gaabiyeen Xakameynta Dilalka Aanooyinka..