Shacbiga Mogadishu Oo Amaro Iska Soo Horjeeda Lagu Soo Rogay

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga soo Sheegaya in Shacbiga ku nool Qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Mogadishu ayaa lagu soo rogay amaro iska soo horjeeda, kuwaasoo la xiriira Cudurka caabuqa ee Coronavirus, iyadoo Maamulka Gobolku uu soo rogay Gaanax lacageed qofkii aan xiran Af-xirashada….

Bulshada ku nool degmooyinka qaar ee gobalka Banaadir gaar ahaan Heliwaa, Deyniile, Yaaqshiid iyo Madiina ayaa sheegay in loogu hanjabay in tallaabo laga qaadi doono haddii lagu arko iyagoo xiranaya Face-Mask, waxaana la sheegay in amaradaasi ay bixiyeen koox hubeysan oo ka tirsan maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shababka.

Badanaa dadka warkaan loo sheegay waxaa lagu qabtay wadooyinka iyagoo Afka u xiran-yahay waxaana loo sheegay in cudurkaan uu Allah haayo islamarkaana Allah ay baryaan dadka Soomaaliyeed, sida aan kasoo xiganay qaar ka mid ah shacabka

“Laba saac oo habeenimo ayaa jidka laygu qabtay, Afka ayaana u xirnaa waxaan u qaatay koox mobilka iga dhici rabto, is deji ayaa lay dhahay, kadibna Afka iska fur, kadib ayaa lay dhahay u sheeg dadkaaga adigana ogow mar dambe sooma qaadan kartaan Af-xirka, cudurka Allah ayaa keena isaga ayaana qaada,” ayuu yiri mid kamid ah shacabka degmada Heliwaa.

103790cookie-checkShacbiga Mogadishu Oo Amaro Iska Soo Horjeeda Lagu Soo Rogay