Rooble Oo Ku Sii Jeeda Magaalada Nairobi

Somalia news

Wasiirka 1-aad ee Dowladda xil gaarsiinta Mr.Rooble ayaa lagu wadaa inuu dhowaan booqasho shaqo ku tago magaalada Nairobi, kadib markii xaliyay Khilaafkii ka taagan qabashada Doorashada, taasoo soo jiitameysay muddo ka badan Sanad, isla markaasna Uu Farmaajo ku Fashilmay inuu Dalka ku hogaamiyo Dalka Doorasho daahfuran…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay in Mr.Rooble uu dhowaan Safarkaasi ku tegi doono Magaalada Nairobi. Kadib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Dowladda Kenya Mr.Uhuruu Kenyatta, kaasoo isku arkeen Caasimadda Djibouti, Safarkaan ayaa ku soo beegmaaya xilli xiriirka Farmaajo iyo Uhuruu uu gaaray heerkii ugu hooseeyay.

Inkastoo Maamulka Dooxa ay isku dayday iney wanaajiso xiriirka labada Dalka hadana waxaa ganafka ku dhuftay dadaaladaasi Farmaajo oo ka door biday Danta Walaalkiis oo Ganacsiga Ethiopia uu qandaraas ku siiyay, iyadoo Kenya ay kaga jawaabtay iney hakiso Duulimaadyada Somalia iyo Kenya iyo iney disho Ninkii Dhaqaalaha laga dhaco Dalka ku maalgelinaayay tiro mashruucyo ah Dalka Kenya.

121630cookie-checkRooble Oo Ku Sii Jeeda Magaalada Nairobi