Ma Dhabaa in Hey’adaha Amaanka ay Xireen Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Xajka Walaalkiis & Sababta…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaaya in Saraakiil ka tirsan Xoogaga Amasnka ee Magaalada Mogadishu ay qabteen mid ka mid ahaa Guddigii Arrimaha Xajka oo lagu eedeeyay inuu lunsaday dhaqaale laga qaaday Xujeyda Soomaaliyeed ee Gudaneysay Acmaasha Xajka Sanadkaan…

Wararka ayaa sheegaya in Eedetsane Ibraahim Rooboq Cali ay qabteen Xoogaga Amaanka, Eedeysanaha oo la dhashay Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Dowlada Federaalka, Waxaana lagu eedeeyay inuu ka lunsaday Xujeyda Somalia dhaqaale kor u dhaafaya 3-4 Millions US$, iyadoo Bilihii ugu dambeeyay baaris lagu hayay Xubnaha Guddida Xujeyda Somalia, Eedeysanaha ayaa awood iyo Saameyn ku lahaa Guddigaan, isagoo la sheegay inuu lunsaday dhaqaalaha laga qaaday Xujeyda isla markaasna la dayacay.

Xogo ayaa sheegaya in Xubno kale oo ka tirsan Guddigii Adeegga Xajka ayaa sidoo kale la sheegay iney ku socdaan baaritaano waxaana xubnahan lagu eedeeyay in aysan u adeegin sidii loogu tala galay ayna ku kaceen falal wax isdabada marin iyo musuq maasuq ah, Dowladad Federaalka ayaana wali ka hadlin xarigga la sheegay in loo geestay ninkan la dhashay Sheekh Mukhtara Roobow, waxaana xarrigan imaanayaa xilli dowladda horey u xirtay xukuno kala duwan loo guriday mas’uuliyiin musuq maasuq lagu helay.

282030cookie-checkMa Dhabaa in Hey’adaha Amaanka ay Xireen Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Xajka Walaalkiis & Sababta…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com